Sawirro:-Arday Imtixaan U Gashay Hogaanka Caafimaadka Ee Ciidanka Xooga Dalka.

200 Ardey oo kasoo qalin jabisay Jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa waxaa maanta xarunta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed looga qaaday Imtixaano la xiriira Dhaqtar iyo Kalkaaliye, waxaana dadka ku guuleysta ay ku biiriyaan Hoggaanka Caafimaadka Ciidamadda Xoogga dalka.

Jeneral Liibaan Xuseen Jaamac Madaxa hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Imtixaankan laga qaaday 200 oo Arday, iyadoo la qaadan doono ardayda kaalmaha hore gala.

Jeneral Liibaan Xuseen ayaa sheegay in Shaqsiyaadka guuleysta ay ka shaqeyn doonaan Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka, sidoo kalena la geyn doono xarumaha ciidamadda ee Gobalada dalka, maadaama la rajeynayo in ay ka bilowdaan Howlgalo guud ahaan dalka looga saarayo Cadowga Nabad diidka ee Al shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hore u amray in Ciidamadda Xoogga dalka ay kasoo dhex muuqdaan Dhalinyarada wax ka baratay, si loogu guuleysto in guud ahaan dalka amnigiisa la sugo, dhalinyaradana ay fursad u helaan inay dalkooda wax ugu qabtaan aqoonta ay leeyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.