Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Oo Lagu muqdisho.

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa la sheegay in ay Sarkaalkaan ku dileen degmada Hodan ee Gobolkan Banadir.

Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Xiidle Farxaan Barkhad ayaa xiliga la dilayay waxa uu ku sugnaa agagaarka Gurigiisa oo ku yaalla Agagaarka Jaamacadda Gaheyr ee degmada Hodan,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dilka kadib ay halkaasi tageen Ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo Meydka Sarkaalka Goobta ka qaaday sidoo kalena uu jiray howlgal ay sameeyeen wallow ila iyo hadda aan la shaacin in dilkaas ay dad u soo qabteen.

Dilkaan ayaa ku soo aadaya xili xalay Xaafado ka mid ah degmada Hodan ay ciidamada Nabad-Sugida soomaaliya ka sameeyeen howlgal lagu soo qabqabtay dad farabadan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkaas,iyaga oo Bogga ay Wararka ku qoraan ku sheegay in ay dileen Xidigle ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.