Maamulka G/ Banaadir oo digniin u diray Ganacsatadda Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed, iyo dadka kale ee dalka soo galiya daawooyinka dhacay ama ay tayadooda ay liidato.

Kadib markii maanta degaanka Gubadleey ee duleedka Mogadisho lagu gubay daawo dhacay oo uu maamulka G/Banaadir maalma kahor kasoo qabtay Dekedda Mogadisho.

C/Fitaax Cumar Xalane oo ah Afhayeenka Maamulka G/Banadir oo kula hadlay warbaahinta goobta lagu gubay dawooyinkan ayaa sheegay, in Maamulka Gobolka Banadir uusan aqbali doonin in waxyeelo loo geysto shacabka Soomaaliyeed, laguna dhibaateeyo waxyaabaha dhacay.

C/Fitaax Xalane ayaa timaamay in Booliska Dekadda Mogadisho iyo Waaxda Caafimaadka ee Gobolka ay marwalba heegan u yihiin in shacabka ay ka hor istaagaan waxyaabaha aan u wanaagsaneen caafimaadkooda.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmo kahor Booliska Dekada Mogadisho ay qabteen dawooyin dhacay, kuwaasoo la doonayay in loosii gudbiyo suuqyada dalka si loogu sii ii biyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.