Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada weerarkii xalay ka dhacay magaalada boosaaso.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar xalay kooxo hubeysan ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Booliska ee magaalada Boosaaso.

Weerarkaas oo socday mudo saacado ah ayaa leysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, raggaan soo weeraray saldhigga ciidamada Booliska Puntland ay ku lahaayeen bartamaha Magaalada Boosaaso ayaa Al-shabaab waxay sheegeen inay ahaayeen dagaalamayaal ka tirsan shabaab.

Weerarkaas xalay ka dhacay Saldhiga Ciidamada Booliska Puntland ey ku leeyihiin Boosaaso ayaa waxaa ku dhaawacmay sedax Askari oo ka mid yahay Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska ee saldhigaas.

Saraakiisha Ciidamada booliska ayaa wali ka hadlin weerarkaas xalay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska Boosaaso, Laakiin Al-shabaab barta ay ku faafiyaan wararkooda waxay ku sheegeen in ka danbeeyeen weerarkaas Xalay ciidamada Booliska ee magaalada Boosaaso lagu qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.