Galmudug oo ku baaqday in xal loo helo dagaal beeleedyada Balanbal ee G/Galgaduud.

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxda Xukumadda Galmudug iyo Xildibaano ka tirsan BFS iyo Maamulka Galmudug oo ka qeyb galay gogol lagu heshiisiinaye Beelo ku dagaalamay Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa dalbaday in la joojiyo dhibaatooyinka dagaalka ee Galmudug ku soo laa-laabtay

Shiikh Shaakir ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka qeyb qaadanayaan sidii ay odoyaasha dhaqanka kala shaqeyn lahaayeen in ay gacanta ku dhigaan dadka ay u arkaan in ay dib u hurinayaan Colaadii laga heshiiyey ee Balanbal iyo guud ahaan Galmudug.

Odoyaasha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay doorkooda ka qaataan, Gogosha lagu heshiisiiyey beelahaasi ay soo martay Marxalado kala duwan, laguna bixiyey Waqti iyo dadaal dheeraad ah.

Galmudug ayaa wajaheysa colaado u dhaxeeya beelaha gobalka, taas oo soo taagneed wax ka badan rubac qarni, Gobalada dhexe ee Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa meelaha ugu colaada badan dalka gudahiisa, markii laga hadlayo colaadda sokeeye ee beelaha wada daga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.