Taliska Booliska Afgooye Oo Ka Hadlay Dilalka Iyo Weerarada Ka Dhaca Degmadaas

Taliyaha Saldhigga degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Mursal Nuunoow oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu beeniyey wararka sheegaya in dilalka iyo weerarada ka dhaca degmada Afgooye ay fuliyaan dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Daacish.

Waxaa uu sheegay in aysan sal iyo raad lahayn warar soo baxayey oo tilmaamayey in Kooxda Daacish ay masuul ka tahay dilalka iyo dagaalada muddooyinkii dambe ka dhacay Afgooye,Taliyaha ayaana hadalkiisa raaciyey in degmada Afgooye cidda weerarka ka fulisa ay tahay Al-Shabaab iyagana dhawaan ay ka guuleysan doonaan.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa ka mid ah goobaha ay inta badan gobolkaasi ka weeraraan Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.