Ciidamada amaanka oo boqolaal qof ku qabtay Baaritaano laga sameeyay Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa xalay Howlgal xoog leh ka sameeyay xaafado ka mid ah degmada Hodan ee gobalka Banaadir, waxaana lagu soo qab qabtay boqolaal dhalinyaro ah.

Howlgalkaan ayaa laga sameeyay 4ta waax ee degmada Hodan, waxaana dadka lagu qabtay ay gaarayaan ku dhawaad 450 qof oo ah dhamaantood rag dhalinyaro ah, oo ku noolaa xaafadaasi.

Howlgalka ayaa dhacay xiliga dambe ee xalay waxaana dadka intooda badan loogu galay guryahooda, waxaana la isugu keenay Barxad weyn oo ku taala degmada.

Inta badan dadka la qabtay ayaa la sii daayay isla xalay, waxaana jira dad kale oo ay Ciidamad amaaanka usoo ka xeeyeen Xarumahooda kuwaas oo la sheegay in baaritaano lagu sameyn doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.