Shirka Golaha amniga Qaranka oo lagu wado in maanta la soo gaba-gabeeyo.

Shirka Golaha amniga Qaranka oo maalintii Shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa Gelinka Dambe ee maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku xusan qodobadii lagu heshiiyay.

Shirkaan ayaa waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka qayb galayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre, Madaxweynayaasha maamul Gobaleedyada Dalka, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo Wasiirka Gaashaan-dhigga iyo Taliyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qodobada Shirka looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah Dastuurka, dhismaha Ciidamada, Doorashada Soomaaliya ee 2020, iyo qodobo kale, qodobadaan ayaa soo taagnaa mudadii ay dhisnaayeen Golaha amniga Qaranka oo markii hore loogu yeeri jiray Madasha Qaranka xlilgii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxda ka qayb galeysa Shirkaan ayaa lagu wadaa in ay Caawa ka qayb galaan xaflad loogu dabaal dagayo sanad guuradii ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku beegan maalinta biri ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.