Taliye Gorad”Kama daalayo xal u helidda Colaadda Gaalkacyo”

Gen. C-Wali Jaamac Gorad Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo waayadii dambe ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uusan ka daali doonin xal u helidda Colaadda magaalada Gaalkacyo isagoo ka hor hadlayay qaybaha Bulshada ee Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa la kulmay inta badan Qaybaha Bulshada Gaalkacyo waxa uuna sheegay in Gaalkacyo uu ku qaatay maalmo badan ujeedka joogitaankiisana uu yahay Gaalkacyo oo nabad ah.

Sidoo kale Taliyaha ayaa la kulmay Guddiyada amaanka Gobolka Mudug ee Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxa uuna kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa deganaansho la’aanta ku raagtay Gobalka Mudug.

“Dhamaantiin waxaan idin balan-qaadayaa in aan ka daali doonin xal u helidda xasiloonida Gaalkacyo waana sii wadi doonaa dadaalkayga, waxaan u mahad celinayaa madaxda qaranka iyo kuwa Puntland iyo Galmudug oo dadaalka qayb ka ah” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Taliyaha iyo xubno la socdo ka dalbaday in ay raadiyaan qorshe lagu xasiliyo amaanka Gaalkacyo iyo Guud ahaan Gobalka Mudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.