Ciidamo Gadoodsan Oo Xaafado Kismaayo Ka Mid Ah Xirtay

Xilli maalin kahor ciidamada hogaamiye axmed madoobe ay xireen Xildhibaan katirsan baarlamaanka jubbaland ayaa waxaa xarigiisa ka gadooday ciidamo ku heyb ah xildhibaanka xiran kuwaas oo fuulay dabaqyo kamid ah kuwa udhaw dhaw xarunta FIAT oo ay ku shaqeeyaan ciidamada axmed madoobe, ahne madasha uu xildhibaanku ku xiranyahay.
Goobjoogayaal ka agdhaw agagaarka xarunta nabad sugidda ayaa ii xaqiijiyay in ay ciidamadani diidanyihiinx ariga xildhibaanka, iyagoo wacad ku maray in ay soo furan doonaan mudanaha hadaan xoriyadiisa dib loo siin.
Waxaa suuragala h in xilli kastaa uu qarxo dagaal u dhaxeeya dhinacyada, iyadoo ay xusid mudantahay in xoriyatul qowl uusan kajirin kismaayo cidii hadashane xarig, xabsi iyo jirdil loo geysanayo.
maamulka axmed madoobe ayaa caan ku ahaa waayadii dambe masaafurinta iyo caburinta xoogaga mucaaradka ee maamulkiisa tiiyoo ay dheertahay in xildhibaan uu xiranyahay.
horay ayaa kismaayo looga masaafuriyay xildhibaano, waxgarad iyo wariyayaal kuwaas oo hadda ku kala sugan muqdisho Nairobi.
Sihaam Abdikarim Farah
Kismaayo, Jubada Hoose.
Sihaam.abdikarim1@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.