Shariif Xasan Oo Baydhabo Kulan Kula Leh Wefdi Ka Socda Dowladda Britain

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Britain David Concar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  goor dhow gaaray Xarunta KMG ah Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalad Baydhabo.

Wefdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha  Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wefdiga ayaa haatan  Madaxtooyada kula leh kulan Madaxweynaha Dowlad Goboledka  Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar ka mid ah Wasiiradda Maamulkaas.

Kulankan ayaa diirada lagu saarayaa sidii Dowladda Ingiriiska u laba jibaari laheyd deeqaha ay siiyo Soomaaliya gaar ahaan KGS, kana taageeri doonaan dhanka Amniga, wax soo saarka Beeraha, waraabka iyo dib u dhiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.