Taabid Cabdi Maxamed oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Xil-gudasho Qaran

Magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay  munaasabad lagu soo bandhigaayay abaal-marin loogu talo galay in lagu sharfo Hal-doorka Shacabka ee waxqabad la taaban karo u sameeyay bulshada ay u adeegaan.

Waxaa munaasabaddan lagu soo bandhigay daraasad soo socotay illaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii, oo laga soo sameeyay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, taas oo dadweynaha lagu weydiinayay qiimeyntooda dadka ay u arkaan inay guteen waajibaadkii ka saarnaa mas’uuliyaddii ay hayeen.

Abaal-marintan oo magaceeda la yiraahdo “Xil-gudasho Qaran” waxay si gaar ah u qiimeysay waxqabadka sanadkii la soo dhaafay ee dhinacyada soo socda:

Horumarinta Adeegga bulshada

Maamul-Wanaagga

Dib-u-heshiisiinta iyo Isdhexgelka Bulshada

Dhiirrigelinta wax-soo-saarka Gudaha

Shaqo-abuurka Dhallinyaradda iyo Horumarinta Cayaaraha

Xoojinta Kaalinta Haweenka

Wacyi-gelinta iyo Abaabulka Bulshada

Samo-falka

U-qareemidda Xuquuqda Dadweynaha

Abaal-marintan xilgudasho Qaran ayaa xalay waxaa la guddoonsiiyay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed , oo loo aqoonsaday duq Magaalo midkii ugu waxqabad fiicnaa sanadkii lasoo dhaafay.

Abaal-marintan xilgudasho Qaran ayaa waxaa bixisa Hay’adda Vision Leadership Academy oo ah Machadka horumariya arrimaha hoggaaminta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.