Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo lagu Rasaaseeyay Hiiraan

dagaal

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay midkalena waxaa soo gaaray dhaawac ka dib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo maraayay gobolka Hiiraan.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in qofka dhintay ay aheyd Haween saarneyd gaariga oo la sheegay in uu ka baxay Magaalada Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay Degaanka Caloola-Cad oo Magaalada Baladweyne u jirta 7 KM,  dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baladweyne si loogu daweeyo.

Waxaa ay sidoo kale xaqiijiyeen dadka degaanka in Kooxdii gaariga rasaasta ku furtay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay shaqaado ka dhacday, waxaana halkaasi ay kasoo qaadeen dhaawacyadda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.