Haween lagu eedeeyay in ay Shabaab ka tirsan yihiin

Dowladda Kenya ayaa dambi kusoo oogtay labo haween ah oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarada ka geysta dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya.

Haweenkaan ayaa dowladda Kenya waxa ay sheegtay in lagu qabtay hub, gaar ahaan qoriga loo yaqaano AK47.

Xeer ilaalinta Kenya ayaa sheegtay in Halima Cabdullahi, 22 sano jir ah, iyo Nurea Adhan, oo 70 jir ah lagu helay hub Sharci daro ah, islamarkaana markii la baaray ay soo baxday in ay taageeraan Al-Shabaab.

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa dhankooda sheegay in ay wali baaritaano ku waddaan xubno ka tirsan qoyska labadaasi haween.

“Bilayska waxay heleen warar sheegaya in ninkooda Ibraahim Geeddi uu haystay hub Shari daro ah ” ayuu yiri xeerilaaliye ka tirsan dowladda Kenya.

Geeddi waxaa looga shakisan yahay in uu yahay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Wajeer, islamarkaana labadaan qof ee dumar ah ay hubka u qarin jireen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.