Howlgallo Saakay Ka Socda Magaalada Gaalkacyo

Kadib markii shalay Magaalada Gaalkacyo lagu dilay qarax loogu xiray Gaarigiisa mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa saakay Ciidamada Puntland waxa ay wadaan howlgal.

Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramayaa in saakay Waqooyiga Gaalkacyo ay baaritaano ka wadaan Xaafado ka mid ah iyo waliba sidoo kale qaar ka mid ah Gaadiidka.
Dadka  Magaalada Gaalkacyo qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas uu saameyn ku yeeshay goobaha qaar ee Ganacsi oo aan weli la furin.

Waqooyiga Gaalkacyo ayaa saakay laga dareemayaa howlgalka waxaana jira dad dhalinyaro u badan oo lagu soo qab qabtay howlgalkaas.

Saraakiisha Ciidamada Puntland oo aan qaarkood la hadalka ayaa waxa ay sheegeen in San weli laga hordhici karin balse saacadaha soo socda ay faah faahin doonaan howlgalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.