Taliyaha Cusub ee AMISOM oo sheegay in uu bilaabi doono qorshe ka dhan ah Al-shabaab. February

Jen.Jim Beesigye Owoyesigire oo noqonaya Taliyaha cusub ee Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore ee Ciidanka AMISOM Jen. Ismaan Nuur Subagle oo xilkan hayay sanadkii la soo dhaafay.
Taliyaha cusub ayaa u dhashay Dalka Uganda waxaana uu xilka kala wareegay Taliye Subagle oo u dhashay Dalka Jabuuti,iyada oo munaasibadda ay xilka kula kala wareegayeen ay ka dhacday Xarunta ugu weyn AMISOM ee Muqdisho.
Guddoomiyaha AMISOM sidoo kalena ah ergeyga midowga Afrika u qaabilsan Howlgalka AMISOM Ambasaddor Madiera ayaa goobjoog ka ahaa minaasibadda xil wareejinta ee ka dhacday magaalada Muqdisho.
Taliyaha cusub ee AMISOM Jen.Jim Beesigye Owoyesigire,ayaa shaqsi khibrad u leh arimaha ciidanka ku dhawaad 40 Sano oo xirfad oo dhanka ciidanka ah Ciidan ah ayuu leeyahay taliyahaan cusub, waxaana uu taliye ka soo noqday Ciidanka Cirka iyo kuwa dhulka ee Dalka Uganda.
Waxaa uu heystaa labo shahaado darajada 2aad ee Master-ka ah oo dhinaca Milatariga,Istiraatiijiyadda,iyo xallinta khilaafaadka ah.
Jen.Jim Beesigye Owoyesigire taliyaha Cusub ee ciidamada Midowga Afrila ee AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ayaa sheegay in uu dar dar gilin doono dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-shaaab iyo howlihii ay wadeen taliyaashii asaga ka horeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.