Taliska Ciidanka Booliska Puntaland oo faafaahin ka bixiyay weerarkii shalay lagu qaaday Wasiiru Dowlada Dagadaha Puntland.

Taliska Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland ayaa faafaahin ka bixiyay weerarkii shalay lagu qaaday wasiiro Dowlihii Dekadaha ee Puntland, Sidoo kala taliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ciidankii ka danbeeyay dhaawicii shali galab loo geystay Wasiiru dowlaha Dekadaha ee Puntland Axmed Siciid.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarta dhaawacday Wasiiru Dowlihii Dekedaha ee Puntaland Axmed Siciid.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska ee gobolka Bari ayaa sheegay in cadaalada la hor geyn doono askartaan weerartay Wasiiru Dowlaha Dagadaha ee Maamulka Puntland.
Shalay galin kii dane ayey aheed markii ciidamo watay gaari Cabdi Bile ah ay rasaas ay ku fureen gaari uu watay wasiiro dowlaha oo marayay Magaalada Boosaaso ayadoona hadda lagu dhabiibayo Axmed Saciid isbitaal ku yaal Magaalada Boosaaso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.