Isticmaalka Facebook oo hoos u dhacay.

Asaasaha Facebook-ga Mark Zuckerberg ayaa sheegay in isbedela lagu sameeyay qaabka daalacashada wararka ee Facebook-ga ay sababtay inuu hoos u dhac ku yimaado dadka isticmaala Facebeook-ga.

Mark Zuckerberg ayaa sidookale sheegay inay muhiim tahay in la qaado tallaabooyinkaasi, si bu yiri loo wanaajiyo isticmaalka Facebook ee mustaqbalka.

Hadii aad tahay qof badanaa isticmaala shabakadda Facebook, waa hubaal in aad aragtay isbedel ka muuqda bogga horee ee wararka lagu soo bandhigo oo muuqaaladii fiidyowga ahaa ku yaraadeen.

Arintaasi waa mid ay shirkaddu ugu talo gashayo oo waa mid ay shabakaddu ku doonayso in ay ku nadiifiso boggaa hore ujeedaduna waxa weeye in halkii wararku buuxin lahaayeen loo baneeyo in ay qaado xogo ku haboon xubnaha qoysaska iyo asxaabta ku xidhiidha bartaas.

Waa tallaabo si dhakhso ah loo dhaqan gelinayo, Facebook oo dadka shabakadeeda adeegsada bishiiba kor u dhaaafeen laba bilyan oo qof oo wadar ahaan wakhtiga ay isticmaalaan shabakaddu hoos u dhacay konton milyan oo saacadood maalintii.

Maraykanka iyo Canada ayaa tirada dadka maalintii isticmaala shabakaddu markii ugu horraysay hoos ugu dhacday boqol iyo afar iyo sideetan milyan, halka ay sannadkii hore maalintiiba isticmaali jireen boqol iyo shan iyo sideetan milyan oo qof.

In kasta oo ay faa’iidada shirkaddu heshaa boqolkiiba koobiyo lixdan korodhay ahaa hadana maalgashadeyaashu aanay weli kalsooni badan ku qabin oo waxa qiimaha saamiyada shirkaddu haatan hoos ugu dhaceen boqolkiiba shan markii ay go’aankan shacisay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.