Sanbaloolshe oo sheegay in Dowlada dhankeed looga awood sheegtay.

Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii dhawaan laga guuleystay kursi ka mid ah Golaha shacabka ah oo ka dhacday Magaalada Jowhar.

Taliyihii hore ee Nabad sugida Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegtay in gudiga doorashooyinka ay san aheen kuwoo u shaqeeyay si hufan isla markaana ay ka qeyb qaateen guul taradiisa, Sanbaloolshe ayaa sidoo kala sheegay in Dowlada Soomaaliya ay sidoo kala faragilin ku haysay doorashadaasi dhacady 28 bishii aan ka soo gudabnay oo ay ka talisay si dii loo soo dooran lahaa shaqsi ay dowlada wadata iyo Sanbaloolshe ayaa wuxuu kala ku cataabay in ergadii loo xulay in in ay soo tuurtaan kursigaasi ku tilmaamay in lacag badan lasiiyay.

Taliye Sambaloolshe oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay Doorashadan inuusan ku faraxsaneyn, balse uu isaga qancay, wuxuuna tilmaamay in Dowladda Federaalka ay maalgelineysay Nuur Iidow Beyle oo xildhibaanimada kaga guuleystay isaga.

Sidoo kale wuxuu sheegay Agaasimhii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya in isaga iyo Madaxda dalka ay ahaayeen dad isku dhow oo saaxiibo ah, balse sheekada ay xumeeyeen dad uu sheegay in ay u dhaxeeyaan, wuxuu kaloo tilmaamay hadii uu ku soo bixi lahaa kursigan inuusan noqon laheyn sida laga filyay ee ah inuu Mucaarad noqdo, balse kursigan uu shacabka ugu adeegi lahaa.

Dhanka kale markii uu hadalkaas ka soo baxay waxaa arrinatn ka hadlay Nuur Iidow Beyle oo ah xildhibaanka guuleystay, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin hadalka ka soo yeeray (Sambaloolshe), Doorashadana ay ku dhacday si xor iyo xalaal ah.

Wuxuu sheegay Doorashadan in ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenkiisa, Guddiga Doorashooyinka, Madaxda Gobolka kan degmada, Warbaahinta iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka
Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay ilaa Lix Musharax taas oo Magaalada Jowhar ka dhacday 28 bishii hore ee sanadkaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.