Maamulka Deegaanka Ceel-Cali Oo Ku Dhawaaqay Howlgal Ay Shabaab Uga Saarayaan Deegaankaas

shabab

Gudoomiyaha deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan Abiikar Yarow Cumar ayaa sheegay in ay wadaan Maamulka deegaanka Ceel-Cali iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda,iyaga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM howlgallo ay dib ugu qabsanayaan deegaankaas oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in ay ku guda jiraan dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay ay ku doonayaan kula wareegitaanka deegaankaas,isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan howlgalkaas Ciidamada AMISOM.

Gudoomiyaha deegaanka Ceel-Cali ayaa ugu baaqay Shacabka in ay isdejiyaan isla markaana Ciidamadu aysan doonin dadka Shacabka ah in ay dhibaateeyaan balse kaliya ay beegsan doonaan dadka hubeysan.

Al-Shabaab ayaa deegaanka Ceel-Cali ee 70km dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxa ay la wareegeen bartimihii Sanadkii tegay ee 2017 markii ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM isaga baxeen, waxana maamulka deegankaas ay wadaan qorsho ay ku doonayaan dib ula wareegida deegaankaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha deegaanka Ceel-Cali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.