Shabaab & Ciidamada dowladda oo ku dagaalamay xaafad ka mid ah Baledweyne January

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo ciidanka Xoogga dalka ayaa wuxuu ka dhacay galbeedka Magaalada Baledweyne, kadib markii Al Shabaab dagaalkaan ay soo qaadeen.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Doon Subagle Saldhig ciidan oo ku yaallo, markii Xoogaga Shabaab halkaasi ay beegsadeen.

Xalay saqdii dhexe ayuu dhacay dagaalkaan, sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada dowladda ee Magaalada Baledweyne, waxaana la iska caabiyay raggii hubaysnaa ee dagaalkaasi soo qaaday.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay laba ka mid ah dagaalyahanada Shabaabka inay ku dileen dagaalkaasi, ciidankana hal askari uu kaga dhintay dagaalka.

Wuxuu sheegay saqdii dhexe ee xalay weerarka inay soo qaadeen, xilli ciidamada dowladda ay u diyaarsanaayeen iska caabinta weerar kasta oo Shabaab kaga yimaado.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen Saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin Magaalada Baledweyne, laakiin ma aysan sheegin khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.