Dilalka loo geysanaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka koofur Afrika oo Sii korortay

Qof Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Catoosh ayaa lagu dilay magaalada Cape Town ee dalka koofur afrika , kadib markii rag hubeysan ay weerareen, waxaana la soo sheegayaa in raggasi ay doonayeen in dhac ay u geystaan goobtaasi ganacsi.
Majirto ilaa iyo hadda cid la shaaciyay oo loo qabtay falkaas, balse ciidamada booliska ayaa wada baaritaan arrintaasi ku aadan, kuwaasoo ku gadaaman goobta uu dilku ka dhacay.
Waa qofkii 5aad oo Soomaali ah ee lagu dilo dalka South Africa sanadkan cusub ee 2018-ka. Ma cadda ilaa iyo hadda sababta ka dambeeysa dilkaas, laakin waxaan xog ku heleynaa in ay soo wareerareen dukaanka rag hubeysan oo aan heybtooda La Garan.
Dilkan, ayaa imaanaya saacado yar kadib markii La Aasay Marxuum Fu’aad Allaha u Naxariistee oo lagu dilay dalka Koofur afrika.
Sanadkan ayaa Waxaa aad u sii kordhay Dilalka qorsheysan ee loo geysanaya Muwaadininta Soomaaliyeed eek u nool Wadanka koofur afrika.waxaana Jira Cabsi soo wajahday Soomaalida kale ee ku nool Dalkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.