Axmed Madoobe oo Maanta lagu wado inuu la kulmo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland

axmed madoobe

Wararka naga soo gaarayo magaalada kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta Madaxweyne Axmed Madoobe uu kulan gaar ah la qaato xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka jubbaland.

Xildhibaanadan oo u badan kuwii qoray mooshinkii dhawaan laga gudbiyay Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa Axmed madoobe ka dalbaday in uu kulan gaar ah la qaato.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada lala kulmi doono ay u badan yihiin kuwii ka laabtay mooshinkii kadib markii loo hanjabay qaarkood.

Sidoo kale Xildhibaanadaan ayaa la sheegayi n ay Saaxiibo yihiin Xildhibaankii shalay lagu xiray kismaayo oo ay mooshinka isla abaabulayn balse markii loo hanjabay ka laabtay mooshinka.

Ma badna tirada Xildhibaanada waxaa la sheegayaa in ay gaaraan ugu 11 xildhibaan.

Lama oga ilaa hada waxa uu kala hadli doono balse xildhibaanada qaarkood ayaa noo sheegay in loo yeeray Islamarkaana aysan ogayn waxa uu kulanka ku saabsan yahay.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeyay Waxaa ka tagnaa khilaaf oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jubbaland iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulkaasi,taasi oo saameynta ugu badan ku yeelay Shacabka ku nool Magaaladaasi,kadib markii

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.