Daawo:Shirlooga Hadlaayey Abaaraha oo Raysawasare Khayre Ka qayb Galay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, qaar kamid ah Hayadaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Soomaaliya
Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay wufuuda ka soo qayb gashay shirka oo ka kala yimid meelo fog-fog waxuuna ka sheekeeyay jawaabtii ay ka bixisay xukuumadiisa abaartii Soomaaliya mudadii yarayd ee ay jirtay, isagoona sheegay in markii la magacaabay ay dadaal dheer u galayn sidii ummadda Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa abaaraha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.