Xildhibaano karaar been Abuur ah u sameeyay Dadka Barakacayaal ah oo gacanta lagu dhigay.

Waxaa la Sheegay in Saddexda Xildhibaan ay qoyskiiba ka qaadi jireen  $5 Doollar,inkastoo aysan dib ugu sopo laaban,Balse Arintan ayaa waxaa mar qura ka war helay  maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

Maxamuud Yaasin Axmed Tumey Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ,ayaa sheegay in Xildhibaannada xir xiran ay ku wareejinayaan Maxkamadaha,islamarkaana waxaa uu sheegay in  lacagaha barakacayaasha laga qaadayna ay u dib ugu celinayaan  dadka barakacayaasha ee  danyarta ah.

Sidoo kale Tumey waxaa uu sheegay in lacagta laga qaaday Barakacayaasha ay gaareyso $5,000 oo doollar,islamarkaana ay xildhibaannad xiran qaateen.

Xildhibaanada la Xiray ayaa waxaa ay kala Yihiin.

1.Aways Axmed Salaad

2.C/waaxid Axmed Maxamed

3.Madar Cali Faarax

maxkamada Gobalka Mudug ee Dhanka Puntland ayaa laga Dhowr sugayaa Go’aanka ay ka gaari doonaan Sedexdan Xildhibaan oo lagu eedeeyay in kaarar been abuur ah ay u sameyn jireen Dadka Barakacayaasha ee Ku nool Magaalada Gaalkacyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.