Daawo:Xildhibaan Axmed Taajir oo waxba kama jiraan ku tilmaamay xilka qaadis axmed Madoobe Soo abaabulay iyo Daagal Laga Baqayo inuu Kismaayo Ka qarxo

axmed

Xildhibaanada jubbaland ayaa waxay Mooshin ka Keeneen Wasiirada Jubbaland iyakoo sheegay inay qaban waayeen kuna guuldareysteen hawlihii loo idmay ee ahaa wax u qabashada shacabka Jubbaland, Madaxwaynaha jubbaland axmed Madoobe ayaa amray Hoteelkii Xildhibanada Ku shireen in laxiro mid kamida xildhibaan Axmed Taajirna in Xilka laga qaado asagoo baarlamaanka Jubbaland ka doodin.

Xildhibaan Axmed Xasan Cabdi “Axmed Taajir” oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in warqaadaan tahay sharci daro gudoomiyaha Barlamaanka kuna saxiixay warqad jabinaysa dastuurka Iyo xeer hoosaadka Jubbaland.

Dhan kale Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa ka jiray dhaq dhaqaaq xoogan, kadib markii Magaalada lagu soo daadiyay ciidamo aad u badan.
Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Kismaayo ayaa maanta xiran,iyadoona Amaanka Wadooyinkaasi aad loo adkeeyay.

wararka Kismaayo ayaa intaas ku daraya inay Jireen Beelo is abaabulaya madaama Kala dambayntii Burburtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.