SAWIRRO:-Eng Yariisow oo rasmi ah ula wareegay Gobolka Banadir.

Munaasabad Xalay lagu qabtay xarunta dowlada hoose ee Xamar ayaa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) wuxuu si rasmiya xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahayna duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Xafladda xil wareejinta oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka mid yahay ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka JFS, Wasiirro, Xildhibaanno, Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Saraakiil, Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin iyo qaybaha bulshada ee kala duwan ayaa ku qabsoomtay jawi wanaagsan.

Ugu horrayn waxaa munaasibadda hadal ka jeediyey guddoomiyihii hore Mudane Taabid Cabdi Maxamed, waxana uu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay inuu si nabad oo dimuquraadi ah ugu wareejiyo xilka guddoomiyaha cusub, isagoo xusay waxqabadkii uu soo qabtay mudadii uu shaqeynayay, waxana uu guddoomiyaha cusub u rajeeyey inuu halkaa kasii wado shaqada iyo horumarka.

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Benaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo kelmad qiimo badan goobta ka jeediyey ayaa u mahadceliyey madaxda qaranka, maamulkii ka horreeyey iyo bulsha weynta gobolka Benaadir, isagoo sheegay inuu wax dadaal ah la hari doonin si wax badan ugu qabto dadka degan Benaadir iyo inuu gobolka horumariyo.

“Waan u mahadcelinayaa madaxda sare ee qaranka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo maamulkii hore oo runtii wax badan soo qabtay. Waa guul in si nabad oo dimuquraadi ah xilka la isugu wareejiyo, waana dhaqan wanaagsan oo aan bogaadinayo “ Ayuu yri Guddoomiye Eng. Yarisow.

“Waxaan shacabka ku nool caasimadda Muqdisho u ballanqaadayaa inaan u qabto waxa ay iga wada rajaynayaan oo ah ka shaqaynta nabadda, caddaaladda, , shaqo abuurka iyo ilaalinta ammaanada, si loo gaarsiiyo adeegyo bulsho guud ahaan dadka degan Caasimadda”.Ayuu raaciyey Eng Yariisow.

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa u mahadceliyey maamulkii hore ee xilka wareejiyey. Waxuna soo dhaweeyey maamulka cusub, isagoo u rajeeyey in ay ku guuleystaan shaqada culus ee hortaalla.

Ugu danbeyn, waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir iyo guddoomiyihii hore, sidoo kale waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo Xoghayaha guud ee gobolka Benaadir oo dhammaantood mahadcelin iyo boggaadin u jeediyey madaxdii ay xilalka kala wareegeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.