Xildhibaanada Jubbaland oo mooshin ka wada wasiirada maamulkaas

jubaland

Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa sheegaya in kabadan 40 xildhibaan ay saxiixeen mooshin kalsooni kala noqosho ah oo la xiriira wasiirada maamulkaas. Maalmihii lasoo dhaafay ayey xildhibaanadu wadeen dhageysiga waxqabadyada wasaaradaha jubbaland taasi oo ay ku qiimeynayeen waxa u qabsoomay muddo xileedkooda. Mudanayaal katirsan baarlamaanka jubbaland ayaa Dalsan Jubba u xaqiijiyay in mooshinka ay gudoonka farta kasaarayaan usbuuca soo socda iyadoo isla xilligaas ay bilaaban doonto dhageysigiisa. Sida ku cad jaartarka maamulka jubbaland waxaa mooshin keeni kara 20 xildhibaan halka 40 mudane loo baahanyahay in ay codka kalsoonida kala laabtaan wasiirada. Axmed Madoobe ayaa wada qorshe uu ku fashilinaayo mooshinka isagoo qaar kamid ah xildhibaanada dil toogasho ah ugu hanjabay halka kuwane uu shilimaad u balanqaaday, balse xildhibaanada ayaa u muuqda kuwo uu kuleylku kabatay hadane usoo jeestay isla xisaabtan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.