Daawo:Xildhibaan Sakariye Xaaji Xasan oo kamid ahaa Waftigii Madaxwaynaha Somaliya ayaa Qiimayn ku Sameeyey Adeegyada Bulshada ee Magalada Xeraale.

sakariya

Xildhibaan Sakariye Xaaji Xasan oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Dawlada Faderaalka oo wali ku jooga Booqasho shaqo Magaalada Xeraale ayaa ka qayb galay Maanta kulan lagu taageerayo Baaqii Nabadeed ee dib loogu mideynayay dadkii saameynta ay ku yeelatay Colaadii Xeraale.

Xildhibaan Sakariye waxaa uu nasiib u yeeshay inuu noqdo Xildhibaankii ugu horeeyay ee laga soo doortay Deg. Xeraale ee yimaada isaga oo hogaaminaya Madaxweynaha dalka iyo Waftigiisa booqashadii 20/01/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku soo gaaray Magaaladan Xeraale, waxaana wali uu u joogaa halkan xildhibaanku inuu dhamaystiro heshiisiinta dhinacyadii ku diriray dabayaaqadii sanadkii hore si looga mira dhaliyo baaqii Madaxweynaha ee ahaa dibu heshiisiinta walaala dagan Xeraale.
#
Xildhibaanka oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Dawlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku sameeyay kormeer qiimayn ah adeegyada aasaasiga u ah Nolosha bulshada Xeraale iyo deegaanada ku dhaw, waxaana meelaha uu booqday ka mid ahaa Dugsiga loogu magacdaray (AUN) Janeraal Dhagabadan oo isugu jira Hoose Dhexe iyo Sare, Xarumo Caafimaad iyo goobo kale, wxaana dhamaan uu warbixino kala qaatay ku aadan xog waraysi shaqaalaha iyo maamulka xarumaha uu booqday.

Xildhibaan Sakariye ayaa markii uu soo dhameystay kormeerkiisa waxaa uu Xarunta Maamulka Magaalada xeraale kaga qayb galay kulan lagu taageerayay nabada iyo is dhex galka Bulshada Xeraale
Gudoomiyaha Magaalada Xeraale Bashiir Daahir Yuusuf oo kulankan daah furay ayaa sheegay inay qaateen go’aankii Madaxweynaha ee ku saabsanaa hirgalinta Nabadda isagoona soo dhaweeyay mashaariic horumarineed ee uu balan qaaday Madaxweyne Farmaajo intii uu joogay Xeraale.

Faysal cabdulaahi Khayre, Xaliimo Ibraahin Ciise iyo Nabadoon Cabdikariin oo u kala hadlay qaybaha Bulshada ayaa dhankooda sheegay inay qaateen go’aankii Madaxweynaha ee Dibu heshiisiinta.
.
Ugu dambayn Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Dawladda galmudug mudane Mursal Cabdiraxmaan Axmed iyo Xildhibaan Sakariye ayaa wada jir ugu mahad ceshay maamulka iyo Qaybaha Bulshada sida ay u aqbaleen Nabadda.
Naftaada Nabadda Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.