Shacab Carreysan Oo Dibadbax Ka Dhigay Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay dibadbax ka dhigeen shacab ka carreysan bur-burin lagu sameeyay guryo ku yaalla magaaladaasi.

Goobjooge kamid ah dadka ku dhaqan Kismaayo ayaa sheegay in askar ka tirsan Jubbaland ay si awood ah ku burburiyeen Labo guri oo dad shacab ah deganaayeen.

Askartaan ayaa la sheegay inuu la socday ruux sheeganayey inuu lahaa guryaha la burburiyey, waxayna taasi keentay in shacabka ay dhagxaan ku tuuraan askartii howlgalka wadey.

Labo qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamadan, iyadoo ugu dambeyn ay ciidankii halkaasi uga laabteen.

Maamulka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, weli wax war ah kama aanu soo saarin dibadbaxan maanta ka dhacay magaaladaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.