khatarta federaalka iyo garasha la,aanta Soomaalida W/Q Jimcaale

jim

Marka laga soo bilaabo shirkii Imbigaati ee dalka Kenya,sanadkii 2000.waxaa ummadda Soomaaliyeed loo tumay durbaan Federaal,ayyada oo gacanta loo geliyey buug arintaas ku qoran tahay oo aan ka soo maaxan maskax khuburo Soomaaliyeed,taas oo ay caddayn u tahay,federaalka oo aan xal u ahayn, iyo asaga oo ay ku qoran yihiin figrado guracan qof ahaan,qaran ahaan.diin ahaan aan noo cuntamin.ilaa iyo haddana sidii loo saxi lahaa lasku afgaran la,yahay,waayo wuxuu ku wajahan yahay danta waxa ay ugu yeereen federaal, laakiin runtu tahay dano qabaa.il calan iyo madaxweyne loo sameeyey.mana suuroowdo in danta qaranka iyo mida qabiilka layswaafajiyo,ileyn isma qaban karaane.

Inkasta oo dad badan ka digeen arintaan ilaa hadda xukuumadahii kala denbeeyey waa ku dhici la yihiin in ay dadka u sheegaan in aan ku dhacnay dabin shisheeye noo maleegay mar labaad,ayada oo shirqoolkii kowaad ahaa in naloo adeegsaday in qarankayagii awooda lahaa aan gacmahayaga ku burburino,annaga oo u jeedna in masuuliintu dhibil dab ah oo ay gacanta ku hayaan federaalku ku yahay.

Waxaan u maleynaayey in shirkii Kismaanyo ee nimanka madaxweynayaasha sheegta ee goboladu bayaankii ay ka soo saareen in shacbiga iyo xukuumadaba ay tusaale ugu filnayd,lakiin dhammaanten dhegaheenu waxay noqdeen kuwo aan laabta u daloolin ee laydha u daloola.

Bal ila eega waxa imaan doona marka Gobolka Banaadir loo sameeyo maamul u gaara sida dad ku doodaayaan,oo aan anniga maangal ila ahayn,waayo haddii shirkii kismaanyo la yiri xukuumad boqolkii  10%  dalka ka xukunta annaga oo boqolkii 90%  xukuna ka amar qaadan mayno,bal ka warama marka xukuumada dhexe xukunka dalka ka soo dhacdo 0%.

Aan soo gabagabeeyee gobanimadayada gebi bay ka laalaadaa,waxaan gaarsiiyey shisheeye sida aan sare ku soo sheegay, waxaan ka digayaa in aan xukuumadu neel aan irmaanayn shacbiga u salaaxin oo dhihin caanaan ka soo lisanaa aad ka dheregtaan,shacbigana maskaxda gasha galoofkaas aan irmaaneyn caanha laga soo lisidoono baa ku baahi bixidoonaa.hadde ogaada federaal baan barwaaqo ku gaaraynaa baa sidaas ka dhigan tahay.

Xukuumadu runta ha ka sheegto federaalka,aqoonyanka wixii Alle baray aad moodid in ay ka madoobadeenoow dadka wax tusa,shacbiga Soomaaliyeed dhalanteed beena ha ka dhursugina.ugu danbayn yaan federaalku waqti naga dhumin ee aan is daba qabano.

halna ogaada in dadka Soomaaliyeed israbaan oo isma aamini karaan aysan run ahayn,waxaa beeneeyey Socdalkii dheeraa ee uu ugu magaxbixiyey Socdaalkii nabada,waxa kala hortaagana yihiin daneystayaal tiro yar.

Cabdullaahi jimcaale Faarax.LONDON
saanyar30@hotmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.