Qarax miino oo ciidamada Itoobiya lagu eegtay gobalka Bay.

Wararka laga helayo Degaanka Awdiinle oo u dhow Magaalada baydhabo ee Xaruunta gobalka Bay ayaa Sheegaya in Qarax Miino lala Eegtay kolonyo gaadiid oo ay wateen ciidanka Itoobiya,kana soo baxay degaankaasi,islamarkaana ku sii jeeday Degmada Bardaale ee gobalka bay.

Qarax Miino ayaa waxaa la sheegay in  lala beegsaday  gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Itoobiya,Iyadoona lagu soo waramayo in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Qaraxaasi.

Dadka Degaanka ee ku sugan goobta uu qaraxa miino ka dhacay ayaa u sheegay idaacadda Kulmiye inay maqleen jug culus,islamarkaana kadib ay arkeen gaari yaala goobta uu qaraxa ka dhacay,inkastoo ay sheegeen inaan loo dhawaan Karin halka ay joogeen ciidamada itoobiya,iyagoona hadalkooda intaa ku daray in ciidamada ay xereen Wadada uu qaraxa lala eegtay.

Ilo Wareedyo lagu Kalsoonyahay ayaa sheegay in kolonyadan ka tirsan ciidanka Itoobiya shalay ay ka soo baxeen magaalada Baydhabo,islamarkaana ay ku sii jeedeen Degmada Bardaale ee gobalka bay,inkastoo Maanta ciidamadan Qaraxa lagula eegtay Degaanka Awdiinle oo qiyaastii 30 KM u jirta Magaalada Baydhabo ee gobalka bay.

Al-Shabaab ayaa inta badan Waxaa ay Ciidamo ka tirsan itoobiya ay qarax kula eegtaan Degaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka bay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.