Dhagesyo:Ciidamada Jubbaland oo Kismaayo ku rasaas ku Furay Banaanbaxayaal dhulkooda la boobay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Jubbaland ay rasaaseeyeen dad ku banaanbaxayay Gudaha Magaalada Kismaayo, Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa la sheegay in ay ka cabanayeen burburin lagu haayay Guryo ay ka degan yihiin Magaalada kismaayo oo loo boobaayo Ganacsato rabta inay Guryo Iyo Xarumo kale kasameystaan.

Ciidamada Jubbaland ayaa waxay Raas Ku fureen shacabka Dhulkooda difaacanaayey rasaastaas ay furaayeen Ciidamada ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhaawac u badan.

Maamulka Jubbaland ayaa Kismaayo ka waday Mudooyinkii dambe Dilal Joogto ah Iyo Dhaca Hantida Shacabka Jubbaland taas oo keentay in shacabka Jubbaland ee kusugan Kismaayo ay Cabasho dalka Iyo dabada kasameeyaan.

Hoos ka dhageso warbixintii Radio Shabeel

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.