Xaaf oo ka hadlay sababtii uu Imaaraadka u tagey

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo wareysi siiyay VOA-da ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedadii ka dambeysay socdaalkii uu sanadkii hore ku tagey dalka Imaaraadka Carabta.

Xaaf oo wax laga weydiiyay khilaafkii isaga iyo Dowladda Dhexe, ee ka dhashay socdaalkiisii dalkaasi ayaa wuxuu sheegay in si khaldan loo fahmay hadafkii uu wadankaasi ugu socdaalay.

“Khaliijka sidii aan u aaday iyo sidii loo fahmay baa kala jaad ahaa. Anigu waxaan u aaday nimankaa xooggaa anaga gobolkayaga waxba may tarin, sanadihii hore. Gobolada kale wixii ay tareen oo kale inay na taraan oo ciidamada noogu dhisaan xarumo iyo iskuulo inay nooga dhisaan degmooyinka. Shaqo badan bay ka qabteaan gobolada kale, gaadiid bay siiyaan. Anagu marka waan qatanayn.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xaaf, ayaa ku celiyay in dalkaasi uu u tagey, sidii ay Galmudug u siin lahaayeen taageero lamid ah, midda ay siiyaan Maamul Goboleedyada kale ee dalka ka dhisan.

“Anigu meesha waxaan u aaday wax kale maaheynee waxay ahayd anagu waan qatanahayee dee qaybkayagii na siiya, gobolada kale wax waa sii seynee.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxda Dowladda Soomaaliya, ayaa ka carooday markii uu Madaxweyne Xaaf ka soo laabtay dalkaasi, warbaahintana uu ka sheegay inay taageersan yihiin Imaaraadka iyo Sacuudiga, islamarkaana ay Galmudug ka soo horjeedo in dhexdhexaad laga noqdo khilaafkii isbahaysiga Sacuudiga iyo dowladda yar ee Qatar, soo kala dhexgalay bishii June

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.