Jubbaland oo mideyneysa Mashaariicda degaanadeeda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Magaalooyinka uu saldhig u yahay hanan furan oo loo wajahayo adeegyada Bulshada islamarkana dhinacyo badan laga eegayo.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kaabayaasha dhaqaalaha la kobcinayo iyadoo la hirgalinayo qorshaha kobcinta dhaqaalaha oo Wasaarada Maaliyaddu ay garwadeen ka tahay.

Madaxweynahu wuxuu xusay in ammaanka degaanada xorta ah oo wanaagsan lagaga faa’iidaysan doono in la hormariyo Bulshada.

Isagoo ka hadlayay hanaanka hirgalinta golayaasha degaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay meel wanaagsan marayso dardar galinta hawshan oo Wasaarada Arimaha Gudaha ay gacanta ku hayso.

Buurdhuubo iyo Dhoobley ayuu Madaxweynahu xusay in golayaasha degaanka ay xubno ku yeelan doonan wixii farsamo ahaan dhimana la dhamaystirayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay xarunta Madaxtooyada marti qaad ugu sameeyay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Jubbaland iyo xubno maamul oo maalmahan Kismaayo u joogay Barnaamijka Hormarinta Degmoyinka oo ay fulinayso Wasaaradda Arimaha Gudaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.