Shaqo joojin & Xabsi guri la dhigay Shaqaale ka tirsan Dowladda oo taageersanaa Taabid.

Khilaafkii u dhaxeeyay Guddoomiyihii maamulka Gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed iyo R/W Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa saameyn baalaran ku yeeshay Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Soomaaliya eek ala taageersanaa Labada dhinac.

Afayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa muda ka badan 48 saac ku jira Xabsi guri, waxaana lagu heestaa sababtii uu u aqriyay Natiijada doorashadii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee lagu doortay Guddoomiye Taabid, doorashadaasi oo ay sameeyeen Guddoomiyasha iyo ku xigeenada Degmooyinka intii aysan soo bixin xil ka qaadistii Guddoomiye Taabid.

Afayeenka Gobalka  ayaa sheegay in Xabsi guri laga dhigay loona sheegay in uusan ka bixi Karin Gurigiisa, waxaana amarkaan bixiyay Taliyaha Ciidamada Nabad Sugiida ee Gobalka Banaadir, sidoo kale Xalane ayaa sheegay in lagu wargiliyay waxa loo heesto oo ah sababtii uu aqriyay Natiijada doorashadii ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale ugu yaraan 7 qof oo isugu jira Shaqaalo rayid ah iyo Ciidan ayaa shaqada laga eryay kuwaas oo Barta ay Facebook ku leeyihiin profile –ka saartay Sawirka Guddoomiyihii hore ee Gobalka  Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Shaqaalaha shaqada laga joojiyay ayaa ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, Waxaa jira dad kale oo shaqada laga ganaaxay kuwaas oo loo sheegay in aysan imaan Karin shaqada ilaa amar dambe.

Dhinaca kale Guddoomiyaal hada xilal ka haaya degmooyinka Gobalka Banaadir iyo ku xigeenadooda, Agaasimiyaasha Gobalka Banaadir, iyo Xogheynada Gobalka iyo Degmooyinka ayaa qaba walaac ah in shaqada laga joojin doono, gaar ahaan kuwii taagarsanaa ama ku siyaasad ahaa Guddoomiye Taabid.

Qaar ka mid ah Xubnahaan ayaa sheegay in la soo wacay loona sheegay in uu ku socdo baaritaan hadii ay ku cadaato in ay ku sugnaayeen Xarunta Dowladda Hoose habeenkii doorashada iyo saaxiibo dhaw ahaayeen Guddoomiye shaqada laga joojin doono.

Shaqsiyaad badan ayaa bilaabay in Barteedo Facebook ay ka saaraan sawiro hore iyo qoraalo ku saabsanaa Guddoomiye Taabid, si uusan u galaafan raafka ay Dowladda ku wado Mas’uuliyiintii Taageersanaa Guddoomiye Taabid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.