Kenya oo Afduub ka geysanaysa degmooyin ka tirsan Jubada Hoose

Nabadoon C/llaahi Xuseen Axmed “Waamo” oo ka mid ah Waxgaradka gobalka jubada Hoose gaar ahaan deegaanka Hosingow ayaa walaac ka muujiyay Afduub ay Ciidamada Kenya ka geysanayaan Degmooyin ka tirsan Gobalkaasi.

Nabadoonka ayaa sheegay Dadka baadiyaha ka soo baxa ee usoo suuq doonta degmooyinka gobalka ay Ciidamada Kenya xiraan una gudbiyaan Xabsiyada Kenya.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la sheegay in Ciidamada ay ka qabtayn Inta u dhaxeysa Dhoobley iyo Hosingow, waxaana la geeyay Gudaha Kenya qaar ka mid ah dadkaasi.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay in mid ka mid ah dadkaasi ee la geeyay Kenya loo sheegay in gubay una baahan yihiin Dowladda iyo maamulka Jubbaland ay arintaasi wax ka qabtaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.