Jubbaland oo soo saartay amaro ku saabsan amniga

ciidan

Maamulka Jubaland ayaa waxa uu soo saaray amaro uu ku sugayo ammaanka degaanada uu ka taliyo, waxa ayna ku soo rogtay awaamiir gawaarida degaamadeeda gaar ahaan, kuwa Magaalada Kismayo.

Wasaaradda Gaadiidka ee Maamulka Jubaland ayaa waxa ay sheegtay in gawaarida aan wadan, wax sharci ah, laga qaadi doono, tallaabo sharciga waafaqsan.

Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Jubbaland, Yuusuf Maxamed Cali ayaa waxa uu warbaahinta u aqriyay warsaxaafadeed ay soo saareen, kaa oo ay kaga gol leeyihiin, sidii ay u sugi lahaayeen, amniga guud ee maamulkaas, gaar ahaan kan Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay in Baabuurta aan wadan sharciyada, la ganaaxi doono, sidoo kale waxa uu shegay in goobaha la dhigto baabuurta, Garaashyada lagu xareeyo, iyo Hotelada ay iyana ganaaxyo dul dhigi doonaan haddii la dhigo Baabuur aan sharcigood dhameystirneyn.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Maamulka Jubbaland, Yuusuf Maxamed Cali ayaa waxa uu xusay in la dhaqan galin doono dhawaan sharcigan, cid walbana la doonayo in ay u hogaansanto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.