Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Qorshaha Dowladda Ee Dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo gaba gabeeyay socdaalkii uu ku tegay gobolada Puntland iyo Galmudug ayaa ka hadlay qorshaha xiga ee dowladda ee ku saabsan amniga dalka.

Waxa uu sheegay in Dowladda iyo Shacabka oo iskaashanaya la doonayo in dhinacyada horumarka in ay wadaan,isla markaana dhinac kale ay ka wadaan  sugida amniga iyo xoreynta deegaanada ka maqan Gacanta dowladda.”

Waxa uu cadeeyay in dowladdu ay ka Go’antahay horumarka dalka iyo waliba dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu sheegay in ay weli dhibaato ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Sikastaba Madaxweyne farmaajo oo socdaal qaatay mudo 17 Maalmood ah ku tegay deegaano ka mid ah Puntland iyo Galmudug,waxa uu ka qeyb galay munaasabado lagu dhagax dhigay Garoomo Diyaaradeed Dekado iyo arrimo kale oo muhiim u ah Shacabka Puntland iyo Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.