Muqdisho Maxaa ka Maqan? W/Q Ibrahim Aden Shire

Doodadda maqaamka Muqdisho maahan mid nagu cusub. Ilaa maalinti maamul goboleedyadu dalka ka bilowdeen, reer Muqdisho waxay u halgamayeen in magaaladu maamul goboleed noqoto. Ree Muqdisho ayaa ku doodayo in caasimaddu mudan tahay inay noqoto maamul la mid ah Jubbaland iyo Koofur-Galbeed. Waxaa is waydiin leh waxa uu ku dhisan yahay rabitaankaan?
Anigu shaqsiyan waan fahmi waayay. Siyaasi darajada ugu sarrayso ee uu gaaro waa madaxweynenimo, magaalana maqaamka ugu sarreeyo ee gaarto waa caasimadda dalkeeda. Madax meel ka sarrayso oo la salaaxo ma jirto, muqdishana madixi ayay joogtaa ee xagee u socotaa?
In badan waxaa lagu doodaa, haddii Banaadir maamul goboleed noqdo wuxuu noqon maamulkaas sida maamullada kale sidaa darteed wixii kasoo baxo dakaddeeda, ayrapoorkeeda iyo canshuuraha laga qaado dadkeeda iyada kaligeed ayaa cuni.
Ma is waydiinnay in sababta ayrapoorka Xamar iyo dakaddeedu lacagta badan u soo saaraan inay tahay maqaamka caasimadnimo ee ay haysato? Lacagta badan ee soo gasho soo maahan mid ay dhaliyeen tobannaanka kun ee kasoo haajiray goballada dalka iyagoo daba socdo dowladda? Waxa camiray huteelada soo maahan dadka dalxiiska iyo ku dakaynta caasimaddooda dalal kale ooga yimid?
Maxaa loo aadi la’yahay Kismaayo iyo Baydhabo oo Xamar loogu hormaraa? Ma karaamo aan magaca caasimadda ee ku dhacay aan ahayn ayay leedahay? Waxa dhulkeeda qaaliga ka dhigay soo maahan magaca caasimadnimo? Baal aan sawiranno iyadoo lagu heshiiyay in Baadir ismaamul laga dhigo Caasimaddana Marko loo raray, waqti intee la ek ayay Marko Xamar kusoo gaari lahayd? Qiimaha ay caasimad leedahay reer Cadaado ha la waydiiyo, xanuunka caasimad la baddalayna uu leeyahay iyaga ha la waydiiyo labadaba iyagaa arkaye!
London iyo Muqdisho
Dalka Ingiriisku wuxuu u qaab egyahay Soomaaliya. Wuxuu ka kooban yahay afar dal (gobal): Iglan, Iskootlaan, Welesh iyo Waqooyiga Ayrlaan. Sadexda danbe mid walba wuxuu lee yahay baarlamaan u gooni ah iyo ismaamul iyo caasimad. Gaar ahaan Iskootlaan waxay u dhaqantaa sidii waddan madax banaan. Laakiin Igland ma lahan maamul iyo caasimad u gooni ah. Hasa yeeshee waxaa dagan dowladda dhexe, waxaana ku taal London oo ah caasimadda guud ee dalka.
London dadka ku nool wuxuu tirada guud ka yahay 12.5% haddana waxay soo saartaa 22% dhaqaalaha guud ee Ingriiska oo dhan. Dhaqaalaha ay abuurto London sanad walba ayaa u dhigma kan ay abuurta Sacuudi Carabiya oo dhan. Bogga BBC-du wuxuu qoray in London sabad walba dhaqaalaha dalka ku darto 34 bilyan oo gini.
Saas oo ay tahay, reer Iglan ma dalbadaan ismaamul gooni iyagoo og inay dhaqaalaha ugu badan waddanka soo galiyaan. Sababta aysan u dalban waxaa ugu badan inay ogyihiin waxay ku heleen dhaqaalahaas iyo sharafkaas inuu yahay hoggaanka dalka ee ay London hayso.
Caasimaddu waa wajiga waddankeeda marar badanna waxay qaadataa magaca waddankeeda. Tusaale, waxaad maqli war tabiye leh “isfahamwaaga ka dhaxeeyo Muqdisho iyo Nayroobi…”. Halkaan dalalki Soomaaliya iyo Kenya waxaa matalayo Muqdisho iyo Nayroobi. Marnaba ma dhici karto inay matalaan Boosaaso iyo Mombaasa. Ree Iglaan taas ayay fahamsan yihiin una doorteen in Weelish maamulkiisa la gooni noqdo koodana kula daarto.
Haddaba reer Muqdisho maxay ooga cararayaan ahaanshaha hoggaanka Soomaaliyeed oogana door bidayaan inay noqdaan xaafad beel u oodan illeen maamul goboleed waa un beele?
Araktidayda
Waxaa la yiri markii Eebe uumay xoolaha ayaa geel ku dooday in wax la dheeraysiiyo xoolaha kale. Alle ayaa ku yiri dheerar ayaan ku siiyay oo ari iyo lo’ba adaa ka dheereeyay. Geel waa soo laabtay oo wuxuu yiri wax kale iigu dar. Waxaa lagu yiri kurus ayaan kuugu daray oo ari iyo la’ba aysan lahayn. Maalmo ka dib ayuu haddana soo laabtay aw geel wxuuuna yiri iguma filna ee wax kale iigu dar. Eebe ayaa u carooday oo ku yiri dhug iyo dhukaan ayaan kuugu daray, sidaas ayaana labo cudur oo aan ku dhicin xoolaha kale geel loogu gaar yeelay.
Waxaan kaga jeedaa, wixii sharaf iyo xoolo Soomaali lahayd Xamar ayaa la isugu keenay. Aqoonyahanno badan ayaa qabo in wixii burburiyay Soomaaliya ay ka mid ahayd dhaqaalihi iyo xafiisyadi dowladda oo hal meel lagu soo aruuriyay. Tii ayada ahayd waxba lagama baran oo ilaa maanta xafiis walba iyo xigtii soo dhacdaba Xamar lama dhaafin.
Saas oo ay tahay dood ayay sii qabtaa, marka waxaa ila quman in dad weynaha Banaadir afti laga qaado lagu waydiinayo kay rabaan caasimad iyo maamul goboleed. Haddii ay doortaan midda danbe, waxaan qabaa in dowladdu aqbasho waqtina loo qabto ay ku raadsato caasimad aan maamul goboleed hoos imaan.
Si taas loo helo, ha loo soo bandhigo magaalooyinka Soomaaliyeed ee aan xudduudaha ku oolin, tartanna ha galaan, maamulki aqbalo inuu bixiyo caasimad ka badax bannaan maamulkaas ha la qaato hana loo guuro muddo cayiman qiyaas ahaan toban sano gudahood. Tusaale, haddii ay Baydhabo ku guulaysato inay noqoto Caasimadda dalka, way ka madax bannaanaan Koofur-Galbeed, waxaa loo diyaar garoobi inay xafiisyada dowladda tartiib-tartiib loogu wareejiyo.

Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.