Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo magacaabaya guddi ka shaqeeya dabagalka mashaariicdii uu dhagax dhigay

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.
Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.
“Maalmaha soo socda waxaan magacaabayaa guddi dabagal ku sameeya mashaariicdii aan soo ballan qaadey, si aan ula soconno dhaqan galkooda. Dowladda waxaa ka go’an in ay kaalinteeda ka qaadato.”
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qurbajoogta Soomaliyeed in ay kaalin ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska dalkooda.”
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa uga mahadceliyey shacabka sida wadaniyadda leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa biseylka iyo hanka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed dowladnimada iyo wadajirka.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug dadaalka ay ugu jiraan horumarinta, xasilinta, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan deegannadaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguuud, halkaas oo uu ugu kuur-galay baahiyaha nololeed ee dadka iyo arrimaha dib u heshiisiinta.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.