SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Galmudug oo gaaray Hobyo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo  iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo ay ka mid yihiin Madaxda Galmudug ayaa tagay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan.

Shacab badan oo kala yimid deegaanada Hoos Yimaada Hobyo ayaa ku sugan garoonka kuwsi maalmo u joogay soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.

 Wafdi Xildhibaano iyo Senetaro isugu jira ayaa gaaray maalin kahor Magaalada Hobyo si ay halkaasi ugu sii diyaariyaan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa loo sameynaayo.
Safarka Madaxweynaha uu maanta ku tagay Magaalada Hobyo, ayaa lagu waddaa in uu kusoo gabagabeeyo Safarkii maalmihii lasoo dhaafay uu ku marayay degaanada Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.