M/Cadaado oo noqon doonta xarunta Barlamaanka Galmudug.

Maxamed Cabdulaahi farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo kulan la qaadanaya waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Magaalada Cadaado ay noqoneyso xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii labaad booqday Magaalada Cadaado inta uu ku jiro socodkiisa Cadaado,si uu u qanciyo Odayaasha tabashada ka keenay heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ku midoobeen.

Madaxweyne Farmaajo,Madaxweynaha Galmudug iyo madaxa Xukuumadda Galmudug,ayaa wadajir uga sheegay Magaalada Cadaado in ay fadhiga Baarlamaanka ahaan doonto halka Caasimadda Galmudugna ay tahay Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in Magaalada Cadaado loo dhisayo Garoonka Diyaaradaha iyo Xabsi,halka la dhisayo Dekadda Magaalada Hobyo oo uu maanta tagayo.

Madaxweynaha iyo madaxda Galmudug ee la socda ayaa isku dayaya in odayaasha Cadaado ee diiday heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna  ku qanciyaan heshiiskaas,sidoo kalena ay taageeraan heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa wararka saaki soo baxayay ay sheegayeen in Magaalada Hubyo ee Gobolka Mudug uu ku wajahanyahay, laakiin uu dib dhigay safarka Hobyo sida wararka  helay ayaa tilmaamyaan, waxaana hadda Hobyo ku sugan wafdi balaaarn oo hor dhac u ah saafrka Madaxweynaha Ee Magaaladaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.