Sawirro:-Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Oo La Kulmay Maamulka Iyo Bulshada Baraawe

Magaalada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa shalay gelinkii dambe gaaray wedfi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax.

Wefdiga Gudoomiyaha ayaa xalay kulamo la qaatay masuuliyiinta Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulsahda ku nool Magaalada Dekada leh ee Baraawe.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Maamulka iyo Shacabka iyo sidii ay amniga uga wada Shaqeyn lahaayeen.

Gudoomiye Najax oo weli ku sugan Baraawe ayaa sidoo kale kormeer wax uu ku tegi doonaa Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada oo xiligaan uu dhismo dib loogu dayactirayo uu ku socdo.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa uu sheegayaa in Maanta ay macquul tahay in Gudoomiye Najax uu booqdo Dhismaha Garoonka iyo Dekada Baraawe.

Sikastaba Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay tahay Xarunta Rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed wallow haatan si KMG ah uu Maamulku ugu Shaqeeyo M/Baydhabo balse uu wado sidii loogu guuri lahaa Baraawe.

Hoos Ka Daawo Sawirrada safarka uu Baraawe ku tegay Gudoomiye Najax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.