R/W Kheyrre oo maanta Switzerland kaga qeyb galaya shir looga hadlaayo Dhaqaalaha Aduunka

Reysul Wasaaraha Xukumada Fedraalka soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Dalka Switzerland wuxuu kaga qeyb galaa shir looga hadlaayo dhaqaalaha Aduunka.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo shalay ka amaba baxay Magaalada muqdisho ayaa sii maray Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya, halkaasi oo uu uga sii duuleen magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Khayre ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in kulamo kala duwan ay la yeeshaan Mas`uuliyiinta kala duwan ee shirkaas ka soo qeyb galeysa.
Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka yar ee ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirkaas, waxaana ku matalaya Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Shirkan waxaa uu ka dhacayaa Magalada Davos waxaana isugu imaanaya in ka badan 120 dal oo heysta ka qeybgalka casuumadda shirkan.
Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqaalaha Caalamka, iyada oo lagu gorfeeyo si loo kordhin karo dhaqaalaha Caalamka, loona yareyn karo dhaqaale xumada.
Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay isbeddel ku sameysay hanaanka Canshuuraha iyo maaliyadda islamarkaana hadda tahay dal dalbanaya in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.