Raysawasaare Khayre ayaa kulan watashi iyo Mahadcelin ah la qaatay Amb Ebyan Ladane”Sawiro”

ebyan

Raysawasaaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa uu xafiiskiisa kula kulmay Safiirada Soomaliya u fadhida Dalka India Amb Ebayan Ladane wuxuuna kulankoodu ku salaysnaa, Isbarasho, xog warran iyo wada tashi guud oo xoojinaya Qaranimada Somaliyeed, gaar ahaan xiriirka soo jireenka ah ee India iyo Somalia.

Raysawasaaraha Soomaliya ayaa uGu mahad Celiyey Amb Ebyan Ladane sida wanaagsan oo habeyn Iyo maalin aysan uga nasan sidii lagu sii dayn lahaa dhalinta Soomaliyeed ee ku xirana Dalka India, waxaa kaloo Raysawsaare Khayre ku amaanay Amb Ebyan sida wanaagsan ay u hormarisay xireerka India Iyo Soomaliya.

Amb Ebyan Ladane ayaa waxay hogaaminaysay Maxaabiistii laga soo celiyey dalka India oo uu Raysawasaraha Soomaliya Iyo xubno kamida wasirrada Soomaliya ku soo dhaweeyeen garoonka diyaadaha Magaalada Muqdisho maxaabiistaan ayaa tiradoodu ahayd 41.
ebyan

ebyan

ebyan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.