Magarbaa Cagajuglaynta lagu hayo Xildhibanada jubbaland

yuusf

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in maamulka gabalkiisii dhacaya ee Axmed madoobe uu farriimo hanjabaad ah u dirayo Xildhibaanada Jubuland ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.
Sida aay dad xog ogaal ah noo sheegeen, waxuu hogaamiyaha maamulka isku dhabarjabiyey in Xildhibaanada aay joojiyaan la xisaabtanka xukuumada oo aay 3dii todobaad ee la soo dhaafay ka socotay golaha baarlamanka.
Sababta ugu weyn ee uu u dhibsaday ama uu u colaadiyey Xildhibaanada ayaa ah la xisaabtankii golahiisa wasiirada oo aay af isku mid ah eeda waxqabad la’aan ee iyaga loo soo jeediyey aay dhanka Axmed Madoobe ku riixeen. Waxayna ahayd arrin wajigabax ku noqotay isaga iyo kuwii ku fikirka ahaa.

Wasiirada qudhooda oo aad mooday in aay ka muuqatey yaxyax iyo kalsoonidarro ayaa ka badin waayey in aad eedaha waxqabad la’aaneed iyo kuwa musuqmaasuqa ee lagu dhalliilay in dusha ka saaraan hogaamiha cidwalba ka kaaftoomay ee kaligii arrimiya.

Waxay isweydiintu noqoneysaa goormay waxyeelo ama dembi la isugu hanjabo noqotay in qof masuul ah oo bulshada u adeega waxqabadkiisa wax laga weydiiyo, si loo saxo waxii khaldamay.
Halkay ahayd in hogaamiyahu uu baarlamanka hortago si uu eedaha aay golihiisa wasiirada u jeediyeen jawaab uga bixiyo, in uu bedelkeeda hanjabaad u jeediyo xubnaha baarlamanka ma aha arrin sax ah.

Waxaan Xildhibaanada loo hanjabay ee muujiyey dareenka ama welwelka ku adkeyneynaa in ayan sahlan arrintani, lana wadaagaan tuhumadooda cida aay is leeyihiin waxbaay ka qaban kartaa, sida; AMISOM oo iyagu ka masuul ah ammaanka iyo nabadgalyada masuuliyiinta hayadaha dowliga ah.

Dhaqdhaqaaqa RJA waxuu ka digayaa in waxii dacatiye, hanjabaad ama waxyeela ah ee loo geysto xubnaha Xildhibaanada uu musuuliyadeeda qaadidoono hogaamiyaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Madoobe.
Mahadsanidiin.
Yuusuf Ducaale,
dhaqdhaqaaqa RJA
F.G. Dhaqdhaqaaqa RJA waxuu dalbanayaa isbedel iyo cadaalad ka hanaqaada Jubaland iyo guud ahaan Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.