Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo u Amba-baxay Dalka Dalka Dibadiisa

Wafdi uu hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta ka amba baxay magaaladda muqdisho ee Caasimada Soomaliya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku wajahan dalka Switzerland, halkaasoo uga qeyb galayo shirka dhaqaalaha adduunka.

Shirka ka furmaya magaalada Geneva ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Qaraadda Afrika, waxaana si gaar ah looga hadli doonaa kobaca dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya.
Raisulwasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirar gaar gaar ah la qaato Madaxda ka qeyb galeysa shirkaan, Shirkaan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay ku jirto dalalka yar ee Africa ka tirsan ee lagu casuumay shirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.