Ciidamo wata dabaabaadka Dagaalka oo ka tirsan Militiriga Kenya oo maanta la sheegay inay isku balaariyeen Degmada Ceelwaaq.

Wararka naga soo gaaraya gobolka gedo ayaa sheegaya in ciidamda dowlada Kenya ay saldhig cusub  ka sameysteen  Deegaanka Ceelqalaa oo 2km  u jira Degmada Ceelwaaq, iyadoo la soo warinayo in ay gudaha u soo galeen  3km.

Mid kamid ah  Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, ayaa ino  xaqiijiyay in ay ciidan wata Saanadooda military ay Saldhig ka sameyteen Celqalaa oo u dhaw ceel waaq gedo.

Dadka ayaa aroorti saakay ku  waag bariistay aragtida ciidmada Kenya oo deegaanka ku soo qul qulaya kana sameysanaya fariisin waxaana maanta ay yihiin ciidamdu kuwo degan halkasi oo saldhig ku leh.

Saraakiisha oo aan weydiinay in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan Ciidamada Kenya ee soo galay deegaanka ceelqalaa ee gobolka gedo ayaa waxaay noo sheegeen in saacadaha soo socda ka hadli doonaan waxaase jirta in saraakiisha inoo sheegeen in ay ku mashquulsanyihiin ogaashaha saldhiga cusub ee ciidamada Kenya halkaasi ka sameysteen oo aan lagu wargelin.

Gobolka gedo mudooyinkaan danbe waxaa ka taagan xiisado isdaba joogh ah oo ka dhaklanaya talabooyinka ay qaadayaan ciidamada keenyaatiga ah ee Shacabka soomaaliyeed ku xadgudabaya oo dhulkeena ka dhisaya darbi , mar madafiic ku garaacaya shacabaka hatana oo ay noqoneyso isku balaarin ay ku sameeynayaan gobolka gwedo .

Saraakiisha xooga iyo shacabka soomaaliyeed eek u nool gobolka gedo ayaa ku cel celiya baaq ay u dirayaan dowlada Somalia kas oo ku aadan in ay wax ka qabato xadgudubyada Kenya ay ku heyso gobolka gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.