Muuse Biixi oo ku baaqay in la Joojiyo Colaada ka taagan Gobalka Sanaag.

muuse

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dagaalku Ku Dhexmaray  Degaanka Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag Gaar Ahaan Degmada Darar-weyne.

Madaxweynaha  Somaliland,  ayaa baaqaasi ku yiri “Waxa aan ugu baaqayaa beelaha ku diriraya degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Darar-weyne inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda soo noq-noqonaysa ee dhex taalla labada beelood ee walaalaha ah.

Sidoo kale Madaxweynaha aya waxaa shacabka ka dalbaday inay Door wanaagsan ka qaatan jioojin colaada ka soo cusboonaatay degaano ka tirsan gobalka sanaag.

Dhanka kale Somaliland ayaa  xalay ciidamo badan oo ka tirsan  Millatariga Somaliland waxaa ay geysay goobihii ay ku dagaalameen labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay degaanka dararweyne ee gobalka sanaag,islamarkaana ay kala dhexgalaan Kooxihii dagaallamayay,sidaasi waxaa sheegay madaxweynaha Soomaaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa Waxaa ay shaaca ka qaaday  in ay waddo dadaallo kala duwan oo lagu joojinaayo in dagaal kale uu ka dhaco degaankaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.